VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Haniyeey - Lyrics

sida dhul doogle ubax dhalaaloo dhamay xareedii haniyeey dhooleey dhaayaha u rooneey dhaladeey aroos wacan gaari dhawrsan oo gob dhaba iyo asal ka dhalatoo dhaqan haboonoo dhiiranbaad tahay dhabankaaga quruxdiyo dhaqanka suuban waad u dhalatoo hablaha dhigaayaad haniyeey qiimo dheertay ALLE ha dhawree aabo cumariyo hooyoxaawo edebta ku dhalay hani dheemaneey kugu dhalay hani quruxeey kugu dhalay dhexyareey arooskaagana sharmaakoo dhigaayaa u dhaxdee aroos wacaneey awlaad dadkoodiyo diintaba anfaca dhala
Queue is empty
-- / --