VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Indhodeeralay - Lyrics

Ilkaha u eg daruurtee ciridkaaga duxulka aa mawluhu ku daahiyo Debnaha duxusha moodee mar mar dib uga faydiyo Sanqaroorka soo degay Indha deeraleeyeey Daymada xishoodka Markad luqunta dadabtaa Kolba laygu didayaa oo layga darayaa Indho deeraleeyeey Dumar ugu filrooneey Dayax shan iyo tobanaay Dahab lagu masaalyeey Da'da tii todaba toban Guga loogu darayeey Indha deeraleeyeey Dib timaha u dhacayiyo Dilimaaha dhabarkiyo Sida dixida xaada Dayrwaa ?? qaadkiyo Suniyaasha duuda ah Camaan doombir laayee Daymada xishoodka Markad luqunta dadabtaa Kolba laygu didayaa oo layga darayaa Indho deeraleeyeey Dumar ugu filrooneey Dayax shan iyo tobanaay Dahab lagu masaaleey Da'da tii todaba toban Guga loogu darayeey Indha deeraleeyeey Marka socdka dhamacdee Degenida talaabada Miisaanka lagu daro Laafyaha la daawado Dadku waxay yidhaahdaan May daarin ciidee Da'uus la moodyeey Daymada xishoodka Markad luqunta dadabtaa Kolba laygu didayaa oo layga darayaa Indho deeraleeyeey Dumar ugu filrooneey Dayax shan iyo tobanaay Dahab lagu masaaleey Da'da tii todaba toban Guga loogu darayeey Indha deeraleeyeey
Queue is empty
-- / --