VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Maan qaboojiso - Lyrics

qurux lagu qaboobiyo quman daacadaa tahay qaali loo riyaaqoo qof dareen le baad tahay marwo qaayo badanoo karti loo qiraa tahay qalanjo gaari dumaroo maan qaboojisaad tahay qoyskaad ka dhalataa qaninimo ku caanoo qun yar kuu ababshoo oo naftaad qiiro galisaa ruux qanaaco badaniyo qudha doojisaa tahay qalbi san wanaagiyo qurayshtii ifkaa tahay qasrigaad ku nooshahay ayaa qiimo badanoo hantidaadu waa qaran guurna waad u qalantaa
Queue is empty
-- / --