Walaanimada iyo wanaagu
Inay waddo kuu ahaato
Wax weeyaan aad ufiican
Weliba sii qurux badnaato
Markii la iswehshanaayo
Wax weediinta iyo ogaalka
Wax sheeg iyo talada fiican
Walaanimo buuxda weeye
Ifka lagu yahay walaal
Ifka la'is weheshadaayee
Ifka wax la isu taraayee
Walaalkaa kaa filaayo
Inaad wax usii tareesid
Hadaad nolashiisa wiiqeesid
Walee wax xun baad sameesay
Warkaygana waa xusuusee
Waanadu waa iga dardaaran
Walaal sidaad iila weentahay
Wax weeyaan cajiib ah
Ifka lagu yahay walaal
Ifka la'is weheshadaayee
Ifka wax la isu taraayee