adaa dumar ugu sitoo
taswiirtaadan dayaxa
jeclaystay inaa dul sudhoo
waxaan ka cabsaday dartaa
inay xidiguhu damaan

xubnaha donistoodiyo
dareenka bogayga yaal
dabnaha xadayba ku yidhi
adaan dadka kuu jeclay

intaan duray xididadii
u daway xinjiraha qalbiga
adaan kugu daaabacoo
waxaan dagal kaaga dhigay
halkii ugu door wacnayd

dawooy magacaaga bilan
dhulkaan damcay inaan ku qoro
cirkiyo samadaan ku dayay
ku daabac markaan is idhi
daruur qarisaan ka baqay

garaaca dagmooy wadnuhu
ka xeel fog durmaan la tumay
dabuubta wuxuu ku yidhi
ku doortaye ha i cidlayn

Exit mobile version