VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Asma - Lyrics

Adhaxda timahaaga jooga Ilkaha sida caana dhaya Wajiga sida nuur ifaaya Midabka ashqaraar la yaabo Ogaalkay hadaan abaaro Waxaad geydo ee amaana Intaan wado astaamahaaga Suurtaa la afuufayaaye Abuur baad tahay cajiiba Asmaay waligaa ha liicin Gobaa tahaye ha iilan Inkaaruhu kaa xijaaban Adoon baad tahay hanuunsan Asluubiyo dhaqan wanaagsan Iimaankuna aad u buuxo Qof baa tahay edab la siiyay Aqalkaad ku kortaa xurmaynle Dhulkii aad kusoo barbaartay Waalidkii ku dhalaa amaanle Waxaa ugu mudan aduunka Halkaad marto ayaan qudhaata Asmaay waligaa ha liicin Gobaa tahaye ha iilan Inkaaruhu kaa xijaaban
Queue is empty
-- / --