Heesta Daji xaalka - Lyrics
Naf duraysan daymadaadu ay dabiito
Oo docdaada dugsi moodo
Dayro doonin daadah mooyee
Kuu dabacsan kuu diyaara daacad kuu ah
Diifta haysa dayac tirkeedu
Waa dushaadee
Intaan la dafsan
Daji xaalkoo is daji
Dawadiisa ha la daahin
Naf dayaysan oo daraadaa darxumaysan
Dad la jooga Ka didayso
Kali doontoo cidba diidan
Kuuna doonan darmo kuu ah