VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhamaystir - Lyrics

Intii xidid dhiiga qaadaa Dhuuxiyo wadnihiyo halbawle Dhaqaaqa intii samaysa Qaarba caashaqa dhansiiyay Ku dhigay qalbigaan ku dhigay Axdiga aan dhalan rognaynin Dhabeel yahay aaan ku raacay Dhigaa adigaan ku doortay Hablaha kale kaa dhaweystay 2× Sidii dhibicay cadceedu Dhex qaadasay barwaaqo Jidhaan dhara xoogan leh Cosobka weheshanayaa dhee Cirkuna dhalayo onkoday Bulshadu dhaantiyo ciyaar Intay dheelaan farxadi Dhexdooda ku beeran tahay Ayaad ii tahay dhigeed 2× Laabtaan gogol kuu dhigee Aan dheelii tirnee jacaylka Dhamays tir intaan tabaay Laabtaan gogol kuu dhigee Aan dheelii tirnee jacaylka Dhamays tir intaan tabaay Aduunyadu waa dhambaal Dhaliiliyo waa amaan Dharaariyo waa habeen Dheeraynayoo tartama Qoraxda dhacaysee hadana Dhalanaysaan laga matalay Dhoor soo nikada huwaday Naftayda adaa ku dheer Dhibaatiyo hawl ha mudan ha mudane 2× Inaan dhaayaha ku saaroo Mar uun ku arko igu dheer Dhibaatadu waxay i daysaa Markaad igu soo dhawaato Markaad dhinacayga joogto Dharaaruhu waa macaan Agtayda ha dhaafin qaali Farxadu yay iniga dhambaalmin Dhabtiyo igu hay bogaaga 2× Laabtaan gogol kuu dhigee Aan dheelii tirnee jacaylka Dhamays tir intaan tabaay Laabtaan gogol kuu dhigee Aan dheelii tirnee jacaylka Dhamays tir intaan tabaay 2×
Queue is empty
-- / --