VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Donaddii jacaylka - Lyrics

Waxaan u raacay doonidii Dadkii is jeclaa sidoo Waxaan helay doonistii Dunida ruux iigu jecel 2x Waxay ii daartay Nuur Waxay I siisay deeq Naftayda dareen ku weyn Naftayda dareen ku weyn 2x Daqiiqad qudhoon ku waa macaan Yaa igaga daran cirkoo igu soo dumee Wadnahaad dajisaa ku yidhi Ku yidhi adna ha ii darnaan Ku yidhi adna ha ii darnaan 2x Waxaan tagay daacadii Meel aan dira diruhu jirin Rag iyo waxa joogay dumar Jacaylku dastuur u yahay 2x Janadii dunidaan dhex galay Qofbaan helay doonis loo Nolosha i daryeeli kara Nolosha i daryeeli kara 2x Daqiiqad qudhoon ku waa macaan Yaa igaga daran cirkoo igu soo dumee Naftaad dajisaa ku tidhi Ku tidhi adna ha ii darnaan Ku tidhi adna ha ii darnaan 2x
Queue is empty
-- / --