VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Habeenkii is baranay - Lyrics

Habeenkii aan is baranay Inay hurdo iigu danbeeysay Cuntana aan haleeli waayay Waataan hore kuugu sheegay Hilaad dheer intaan samraayay Aduun kuu sii hiloobay Mudaba kuu hagar baxaayay Runtii hawl intii iga raacday Anaa hadh arooryo aagay Anaa hoosis garab istaagay Kolkaad caashaqa horseeday Anaa hubsashada ilaaway Hadaad caashaqa halaysay Hadaad hibashada ilduuftay Ood hanashada carbisay Anaa hamigaygii laalay Hankayga aad halaysay Hareer martayeed hungaysay Damiir la hadlaa hogaanshay Oo uu kaasii hubleelay
Queue is empty
-- / --