hibaaq quruxdaada
hufnaanta samaanta
hankiyo dhaqankaga
hablahaa ka hinaasa

habkaad udhaaqdo
hugiyo labiskaaga
xishood huwanaanta
adaa uhoreeyay

intaan ku hilmmaamo
haweenka gaygeena
hibaaq kuma siisto
halkaaga dhigi maayo

haloowdad itidhaahdo
hiyigaa jamanaaya
hawraarta bogonaaya
qalbiga holcinaaya

habeenka badidiisa
intaan kugu hadraayo
hadaanad ihor joogin
hurdaba ladi maayo

intaan ku hilmmaamo
haweenka gaygeena
hibaaq kuma siisto
halkaaga dhigi maayo

Exit mobile version