laba isku dhigmoo
uunka isku jecel
gob is aamintoo
isu soo samraa
nolol wada unkoo
loo dhigay aroos

riyaaq waa ilwaad
ugub dhawrsanoo
isir waa gobtii
mareexaan ahayd
isna waa gayaan
ma jeerteen ahoo
axmed waa hal yay
aan iin lahayn

labab yahoow dhigood
iska eegtayee
is ilaal sadoo
isku sida gacmaha
is qabsada dhexdoo
isa siiya ubax

intaad noolosihiin
jacal aan dhamaan
xubi aada iyo
farxad aan idlaan
ka aadkaada oo
iska hala caruur

laba isku bikoo
isu ooyi jiray
laba aadamaha
isku soo caladay
isku oon qaboo
indhaha iska jecel
ayaan oofcaleek
xalfadooda imid

riyaaq waa asluub
inan lagu korshoo
marna wwaa adeec
sama lagu og yooo
isna waa haldoor
aqoon iyo hal xuloo
axmed waa masuul
aan sharaf u qiray

Exit mobile version