qalbiyo wada jira jalkeena
dareenka is jiidadkeena
muxibo la jimiimicayna

gayiga isu jidad markeena
su'aal isu jiidh naxeena
jawaab isu oofinteena

indhaha isu jeel qabkeena
jaleeco ku ildoogsigeena
arliga wada joogisteena

jawiga daganaanshaheena
farxada isu jiibinteena
janada wada doonideena

xuskii dookh wada jirkeena
jacayl sanad guuradeena
aan jarno xuska keeg jarkiisa

ubaxba jaadjaad agteena
hareero ka joogsigeena
jookhnaan wada laydhsigeena

xidhiidh jawhara dhexdeena
muxibo wada jaasideena
waayahay hada jaaniskeena

jaldiimaha laabaheena
midkeenba kol jiibsigeena
jidiin wada qaybsigeena

nafaha isku jeexideena
midkeenba jabhaysigeena
laf iyo jiidh noqoshadeena

Exit mobile version