VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jubiter iyo mars - Lyrics

Halkay bada iyo wabigu Biyaha isaga daraan Ayaan kaa baadhayoo Wargeysyada baafintaan Warkaga ku baahiyee 2x Jubiter inaan booqaniyo Baryano mars baan jeclaa Inaan inaan u baxnoon tagnee Nolosha isku bixin karee 2x Ubaxaan mudo beerayoo Ilmada caashaqa ku baxayay Ayaan baryo kula sugee Ku mee boqradaydiyeey 2x Waxaan aqal baaxad weyn Macaan ka biinaynayaa Bartaad Ku calool gashiyo Bartii aad ku soo kortoo Bogaan kugu haynayaa 2x Intoon ku boqraan adiga Bilado wada luulahiyo Taajkii taajkii boqortooyadaan Badhkaada siin lahaa 2x Ubaxaan mudo beerayoo Ilmada caashaqa ku baxayay Ayaan baryo kula sugee Ku mee boqradaydiyeey 2x
Queue is empty
-- / --