Dhamays edebsanbaa tahay
Oori lagu nastaa tahay
Ilwaad baariyaa tahay
Amaan ruux mutaysatoo
La isku aaminaa tahay
Amaan ruux mutaysatoo
La isku aaminaa tahay
2x

Abaalsan gobaad tahay
Aragsan xulayaa tahay
Ana taan u aayoo
Awoodaydiibaad tahay
Ana taan u aayoo
Awoodaydiibaad tahay
2x

Cawo janooy janooy abidkay
Intaan dunida noolahay
Maan arag asaagaa
Maan arag asaagaa
Qof aan dunida ku ag dhigo
2x

Itaalkaan ku faaniyo heleeya
Ooridayda kaliyeen heleeya
Aaminay intaan jiro heleeya
Kaa ooli maayoo heleeya
Ku ilaawi maayee heleeya
Kaa adkaysan maayee heleeya
Allow ha iga kaa dilin heleeya
2x

Exit mobile version