VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Masala caashaq - Lyrics

Sow muraayad caashaqa Mulkiyay uun manoqon Sow muftaaxa kuma siin Hoo imaamul kuma odhan Sow maqalka dhagihiyo Miirkaygi maad noqon Mar hadaan ku waayana Nafta sow ma huri karo Sow muuqa sagalkiyo Ma matashid ubaxoo Sow carfta miskigiyo Maanka kama udgoonid Sow macaaanka noloshuba Agjoogaaga maaha Sow niyada maad degin Qalbigayga maad hanan Inuu jacaylku malabyahay Hortaa maan ogsoonin Hada Sida macalin micnii Xiisa ii dhigay Sow maariin dhalaal xiga Midabkaagu maaha oo Sow muunad gaara Muxiboy umaad dhalan Sow masuul naftaydana Maantaba kamaad noqon Inaan kuu mashxaradana Sow mubaax maaha In xiisuhu misbaaxyahay Markhaati kama tihid Masha alle caawaba Soo maynu midoobin Sow mudanahaygoow Marwadaadi maan noqon Sow maanta maad xulin Masalahaaga maad dhigan
Queue is empty
-- / --