VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qaali - Lyrics

Ogoow qaaliyeey haldhaa Hubaal adigaa ka wacan Haweenka facaaga oo Fariid baa tahay la hubo Caqliga saxan ee ku hagi Halhays buu kaa dhigoo Asluub baad huwantahoo Waxaad tahay lama huraan Hubaal anigaa waxaan hubaa Inaad tahay hoodo wacan Gaari haybad iyo dadnimo Qurux hibo looga dhigay Huunooy dhawrsan baa tahay Horseed baa tahay goboo Halkii aad ku ababtiyo Muqdisho ma hilmaamayee Hooyadii wadankaad degtaa Hubsiimadu waa sadkaaga Hadalku kaama soo fakado Quruxna waad hagoogantoo Horyaal baad dumar ka tahay Hubaal anigaa waxaan hubaa Inaad tahay hoodo wacan Gaari haybad iyo dadnimo Qurux hibo looga dhigay Huunooy dhawrsan baa tahay
Queue is empty
-- / --