Akhlaaq loo bogoo
Asluub huuwanaa
Edaab dhaqankiyo
Aqoon badanaa
Basharka idilkood
Ka uur nugulaa
Aduun dhan midee
Arxanka dheeraa

Akhlaaq loo bogoo
Asluub huuwanaa
Edaab dhaqankiyo
Aqoon badanaa
Basharka idilkood
Ka uur nugulaa
Aduun dhan midee
Arxanka dheeraa

Sharftaa asalkaa
Abkeed xusanaa
Kartidaa anfacaa
inteed mudanaa
Aqligii xagayaa ishaarsana
Runtii ixtiraam aqli wacanaa
Runtii ixtiraam abaal wacanaa

Sharftaa asalkaa
Abkeed xusanaa
Kartidaa anfacaa leh
inteed mudanaa
Aqligii xagayaa ishaarsana
Runtii ixtiraam aqli wacanaa
Runtii ixtiraam abaal wacanaa

Rajada amalka rumayni ogaa
Waalidka amarkii adeeci ogaa
Qalbiga aamin u dhago nugaa
Indhaha arkayaa ilmeyni ogaa
Afkuna aafaduu amaani ogaa
Afkuna aafaduu amaani ogaa

Rajada amalka rumayni ogaa
Waalidka amarkii adeeci ogaa
Qalbiga aamin u dhago nugaa
Indhaha arkayaa ilmeyni ogaa
Afkuna aafaduu amaani ogaa
Afkuna aafaduu amaani ogaa

Ileys loo qiroo iftiin bilanaa
Xantiyo urugada ka iin tiranaa
Astaan boqranaa anshaxa gobsanaa
Dantuna awgii agaasimanaa

Ileys loo qiroo iftiin bilanaa
Xantiyo urugada ka iin tiranaa
Astaan boqranaa anshaxa gobsanaa
Dantuna awgii agaasimanaa

Hawlo aduun dhererkeed
Ixsaan toganaa
Aqalka hoyguna
Hurdada carfanaa
Indheer garashada
Afkaar simanaa
Qofkay aqbashaa
Ayaan badanaa
Qofkay aqbashaa
Ayaan badanaa

Hawlo aduun dhererkeed
Ixsaan toganaa
Aqalka hoyguna
Hurdada carfanaa
Indheer garashada
Afkaar simanaa
Qofkay aqbashaa
Ayaan badanaa
Qofkay aqbashaa
Ayaan badanaa

Rajada amalka rumayni ogaa
Waalidka amarkii adeeci ogaa
Qalbiga aamin u dhago nugaa
Indhaha arkayaa ilmeyni ogaa
Afkuna aafaduu amaani ogaa
Afkuna aafaduu amaani ogaa

Rajada amalka rumayni ogaa
Waalidka amarkii adeeci ogaa
Qalbiga aamin u dhago nugaa
Indhaha arkayaa ilmeyni ogaa
Afkuna aafaduu amaani ogaa
Afkuna aafaduu amaani ogaa

Exit mobile version