VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Shimbiryahow cover - Lyrics

Shimbiryahoow dabaylaha Daruurahaa dhex marayaa Daa'inkii ku uumaa Orod kuugu daw galay Ana inaan dilanahay Dakharadii jacayl qaba Diir kaama saarnoo Dushayda waad ka aragtaa Shimbiryahoow dunida idil Meeshii aad doontaba Adigaa u duuloo Damaashaad ku wada mara Dal fog oonan gaadhayn Degdeg adaa ku tagi kara Adaa daalin socodkoo Waligaa dakaamine Abidka ha igadidin Ku dagaali maayee Waxbaan kuu dirsanayaa Warqadan daboolane Dusha sawirku kaga yaal Dawadii qalbiga degdeg iiga gaadhsii Waanadu ma deeqdoo Dadna way coloobeem dheh Duco iyo quraanbay Wadaadadii ku daaleen dheh Aduu kugu dan seegoo Dumar kalena inankii Qalbigiisu diidyoo Caashaqiina muu dayn dheh Adoo imika duuloo Daadihiya mooyee Dawo kalena loo waa dheh Adna doqon la caashaqay Deeqaay ha noqonoo Usoo dabac dheh inankii
Queue is empty
-- / --