dhirtiyo faa'idooyinkeeda
waxa nafta kaga filnaaday
fiyoore casoon kusiiyayo
dhulkaa fidsanee balaadhan
halkii wax yar kaa fogaata
kashaan u arkeeynin faalal
ma ogi fusada kaa muhiimasan
ma araga faraj kaa wanaagsan
ma rabo faraxadan ku haysan
inaan kugu faano qaali
suniyo faral kugu duceeyso
isma lihi waxbaa ka fiican
nabdiga kama faaruqaysid
waqtigu kama sugo firaaqo
inaan ka fikiro naftaada
kolnaba fasax kama galaayo
fajaca quruxdaad u leeday
cabaar kolka aan yar fiirsho
dhamaan hablaha facaaya
ayaa ila fool xumaada

Exit mobile version