VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Suuganideeqsan kallaab - Lyrics

Dareen dhaba maad isiisid Jacayl badan iigu deeqdid Si daacada ii daryeeshid Mugdiga nuur iiga daartid Dartaa nolol baan abuuri Dabuubtaadaan adeeci Xilkaagaan duudka saari Waxaad dalbataan ku daali Dakaynay dookh wadaagnay Dareen dawo isku ahaanay Kal iyo laab isku dareenay Wixii nacaba iska dayrnay Ku doortay kuu qushuucay I deeqday kuu dansheegtay Sidii dayax iftiinshay Kuu huray farxad kuu diyaarshay Dugsiiya waan kuu nuglaaday Darajo iyo hiil kuu ahaaday Dushiyo dhabarka ku saaray Waxaad diidana ku dayrshay Dakaynay dookh wadaagnay Dareen dawo isku ahaanay Kal iyo laab isku dareenay Wixii nacaba iska dayrnay
Queue is empty
-- / --