Dareen dhaba maad isiisid
Jacayl badan iigu deeqdid
Si daacada ii daryeeshid
Mugdiga nuur iiga daartid

Dartaa nolol baan abuuri
Dabuubtaadaan adeeci
Xilkaagaan duudka saari
Waxaad dalbataan ku daali

Dakaynay dookh wadaagnay
Dareen dawo isku ahaanay
Kal iyo laab isku dareenay
Wixii nacaba iska dayrnay

Ku doortay kuu qushuucay
I deeqday kuu dansheegtay
Sidii dayax iftiinshay
Kuu huray farxad kuu diyaarshay

Dugsiiya waan kuu nuglaaday
Darajo iyo hiil kuu ahaaday
Dushiyo dhabarka ku saaray
Waxaad diidana ku dayrshay

Dakaynay dookh wadaagnay
Dareen dawo isku ahaanay
Kal iyo laab isku dareenay
Wixii nacaba iska dayrnay

Exit mobile version