nafta yaa u tudhoo talo siiya
yaa tusoo faraxad yaa u tilmaamay
yaa qofkay utabayso si toos ah
heeso yaa tiriyoo tix ku sheegay
yuu ku taagsaday caashaqu toogtay
yuu la tigsaday leebna ku taagay
wali yaataba ruux tirsan waayay
yaa ku taama xasuus tiro beeshay
yaa tas wiiro qofka maarma ku tiirsan
kaa tagaye ilow tahli waayay
yuu tuskii boholyowgu ku tiixay
yuu kusii tarmay xiiso tan dhaafay
yaa taariikhda ku sheegtay tusale
yaa loo taagay sidii cilmi taalo
waa lay taagay anaa lay taagay

Exit mobile version