logo Masuul Top 100 songs lyrics chart Contact


A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Kacdoon Dadweyne mp3 ahaan

Fikradaada ka dhiibo heestan

Kacdoon Dadweyne lyrics

Inkastoo dadkeenii
Samo ay dugaasheen
Daacad-nimadu may dhalan
Gunta hoose may dagin
Lyrics by Masuul.com

Danta oo la dooniyo
Midnimadu ma daadagin
Diricyadu may dagaal galin
Difaacana ma buux samin

Ma inagaa dulownayoo
Ma dadkaa la doorshay
Ma ruux dan wataabaa
Nabadeena diidan

Waa kacdoon dadweynee
Culimiyo duqaydoow
Da’yartiyo wax garadkoow
Maxaad daawanaysaan
……………………………..

Hadii nala dagaayoo
Nala dooxanaayo
Damiirkeen maxaa helay
Dulownaye maxaa haray

Dacwadaada Eeboow
Salaadaha nin daa’imay
Hala dilo ninkii faray
Maxaan uga dawownaa

Dawlad baanu hananee
Dufuurtiyo colaadaha
Yay la dagin caruurtee
Qarannimo dareensii

waa kacdoon dadweynee
Culimiyo duqaydooy
Da’yartiyo wax garadkoow
Maxaad daawanaysaan

heesta ma shaqeeneeso fadlan nala socodsiiy
-- / --