shumacii aan daariyo qaylo dhaantii aan diray haday dadka wada gaadhay diiquba dawaco waa dili karaa duulka maanta ahe war dabarka iska jaro oola dirira qoomkan diinta ku qaraabta dabadeed hala idilo anoo xaqa dar daarmaaya

geel jir baan ahay ka damqada dhibkoo damiirkaa iwada x2

hadii aan daraad danbi waxad gasheen diiwaan ku qoray oo dadka aan hordhigay x2

oo doodiinu tahay hadii aad nadeen waa lagu dilaayaa x2

cirka soo dunshoo waa noo dagaal waa noo dagaal x2

dibi geeso ween lo'da wuu didshaayoo u diidaa harkee udiidaa harkee x2

dad kaad dooxateen daarahood ka qaxay ceelashii u diday baad sii daba gasheen oo daba gasheen x2

dalka kuwii ka dhigay kawaankii dadka darajadaad rabtaan waa doqonimo damaq inaad laheen dunidu waa ogtahoo waan wada og nahee x2

dalka waxaa u hari kii daacadiyo kii diir naxee dhiig daadinayn x2

dalka waxaa u hari shacab kaan dayacan daryeel kay rabaan kii la doonayee deg deg wax ugu qaban x2

dalka iyo dadkaba waxa u hari danta kii wadee xaq u doodayee umadaan dayacan diiftiyo dhibkiyo darxumada ka jira x2

Exit mobile version