VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qeylo-dhaan - Lyrics

qal qal nagu beer qaraxii lala beegsaday ardaydii qalin jabinaysay qasaarihii na gaadhay waa midaan qiil loo hayn qal qal nagu beer cumar xaashi qaarajiyeen waayeel qaarajiyeen daa,uud dirir qaarajiyeen iyo qaar kaloo badan qal qal nagu beer quraan riigii ina cabdoow qoorta laga gooyee digtooradii wax qali jiray qamarna may dhaafin qal qal nagu beer qumbulada qola la dhacdo raboow rabiyoow wax ka qaboo qoomkan sidan yeelay raboow rabiyoow wax ka qabo oo qaladkan kuwa gaystay qaylo dhaan waa wareey qaa,in wada dilaalaa hadba soo qasaayoo qaybi oo xukun baa qorshuhu yahaye qayl dhaan waa wareey qiil dambe ma hadhin iyo diintoo lagu qadhaabtaaye qaylo dhaan waa wareey qudhac jabay sidiisii qarankii ma u liicay qaylo dhaan waa waareey qabriga oo aan galnaa dhaanta qaabka aan nahee qumaati u kaca toosa soomaaliyeey waad qalibanteene soomaaliyeey toosoo kaca waad qalibanteene Lyrics by Ismacil ahmed
Queue is empty
-- / --