Heesta South Africa - Lyrics
Inaan isku midab nahoo afrika wada sheeganiyo ehelka ku waan moodeenow anagu ehel moodeenow ilmihii naga laayayow ubadkii naga laayayow
Isticmaarkii cadaa ayaantu idin haysan jiray aad bay noogubi jirtoo abaal baan idiin galnee
Caqliga laga qaad yayow ciidankii konfur afrikow umushii foosha kulul ilowday muyaad tihiin
Umadii u barakacdoo aafadu ay daashatoo ildaran ku abaab ashoo ablayda naladhacdee asxaan noo falininow
Aduun kaan wadaniyo alaabtii naga dhaceen aqaladii nagu gubee sidii ayda noo cunow
Ixsaanimo iyo kuwaan ilaahay aqooninee axadna aan dhaafinoo umulihii dooxayow
Intaad ruux naga disheen agoontii saygag badan asaaydii saarteen haween idinku saarteen haween ayaanan iloobi karin abid keen iloobi karin
Anagu oynayoo aflabadii yeedhnayoo uur keena waxaan ka go'ayn sidii axmad loo dilee
Aduunka oo idil ayaa argagaxoo yaabayoo arimihii aad fasheen UN tu way ogtahay arimihii aad fasheen amnesty na way ogtahay
Anaga oo dowladoo awood iyo ciidan lahoo afrika u horaynay baa islaynay dhex deena oo iblays isku keen diree
Ayaan daradaan dhacdiyo orgobo inuu nacuno anagaa isku gaysanee ogaada oo ogaada ogaada soomaliyay
Eedaba anagaa lahoo arligeena soo gubnoo arxanba duul aan lahayn irsaaqad u raad sanee arxanba dad aan laheen irsaaqad u doonaneen
Arimihii aad fasheen UN tu way ogtahay arimihii aad fasheen amnesty na way ogtahay