Alla inanta dheeraa
Dhexyaraa dhuubanaa
Haboonaa
Misne dhaban qurxoonaa

Wadnahay dhirbaaxdoo
Dhinbiil daba ku noqotee
Ma u sii dhawaadaa
Dhunkashana ma raacshaa
Kolay dhaafi maayee

Xishoodbaa dhibkiisa le
Iyo dhabano hayskii
Qofkaad dhawraysiyo
Wixii kaa dheer adiga
Waa loo sii dhawaadaa
Haday dhagari se jirin

Inanta dhoolo wacanaa
Waa dhamays haweenoo
Dhalaan inay dhashaa iyo
Dhaqan guur ku wacanaa
Maba dhaafi doone

Exit mobile version