Heesta Aniga gurigiina iyoh - Lyrics
anigu anigaa
aniga gurigena iyo
meesha gogosheenu taal
geraarkala igu tiriyee
gaboodkuna ku dheelayaan
gadhmadawda iyo duqowduba
ku gooyan xaajadeena
geed baarkuna ku yaal
webina ku gadaaman yahay
weliba gaar la iiga dhigay
garo waa gobolka hiiran
nimaan garta eex ku fulin
garaad weeyan aabahayo
gobaad baa la i idhaa
gobaad gobaadee
gobaade gacalisoo
waxaan kuu ahay gayaan
waxaan ahay geesi jira
waxaan ahay gole yaqaana
guurkaangaan u qoomano
aduu goor iyo ayaan
qalbiguuu ku goobaya
wadnuhu guri kuugu yaal
adaan kuu golon golo
nasiibkii kaaga go aye
adaan gacalooy naftiyo
qalbigu kuu gubanayaa
gaadhsi caashaqan gogleday