waxaan baafinta u diro
bari iyo galbeed
bari yurub ka daydayoo
boosaha u kala dhigo
barashada xasuusta leh
baa dahaba lagu qoro
barbar saylac ila dheel
bada cagaha soo gali
isku soo baxeenuna
waa inoo bishaaree
bariidaduna waa nabad
iyo baladka oo sami

waxaan barisamaadkii
bohoyaw daraadii
bogan waayay jiifkoo
aan laba bogleeyaba
bila doobir qayb idhi
iyo baydka raaxada
ma boogsanooyo kaw dheh
u baadshay aniguna
isku soo baxeenuna
waa inoo bishaaree
bariidaduna waa nabad
iyo baladka oo sami

Exit mobile version