Heesta Hablaha - Lyrics
Hablaha sanadadan kacee
Hadimo waa lagu yaqaan
Hidoy u ahayd sidaa
Adoo halis umaraay
Hadhow kuma arag dhahaan
Anaa hubiyo ku jabay
Heesaha kama aan tirsheen
Hadaan hirka laygu darin
Hadan dar alle iigu ridin
Hobaaalay laygu tumin
Hiigsadoo damac soo galoo
Habeen qura uga sal gaar
Jacaylka hasoo hormarin
Hadii kale waa hobeey hobaalayeey
Hankaadoo kaa lumiyoo
Halawsiga waa jiraa
Habeenkoo kugu mugdiyoo
Horaantii waa dadaal
Howraartana waa sidaa
Hirbay ii noqotayoo
Waxaan eegayay hanaan
Hubsiinana waa kalumay
Hadhow cabashada hayaay
Halkaabaan kaa jiraa