VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hani iyo cabdulaahi - Lyrics

sida geenyo uguboo geyigoo barwaaqa ah u diir carar dheeriyo lagu mirayo gacado u duuq lagu gardaadsho guudka saym fartoogte garbaa heego qariye ku gadaaman heego heesaha u gaarka loo galiyay cigaalka godol joogso iyo qurux gabadhii u dhalatee calafku isku keen galay hani gacalkaygaay jacaylkaan guyaal badan soo gardaadinayno gabi dacal u diidna guulaystay maanto hadaan guulki dhaline gacal iyo xigaalkii gabdho iyo ciyaarihii gaafkeena laga tumi galad eebe weeye gaban iyo caruur guunyo iyo maal guula ha ina siiye hani gacaladayda gacantaada ii dhiib gamaan faras baxdoodyo godankii yabaaliyo gudguud ku nooliyo intuu geesi jaraybadhay gargoor ladhay sidiisi gaadaha u fidiyo lagu gaarin orodoo sida loogu goohan anigana gediisi kuu gacashadaayo naftu gooni ku tahay c/laahi gacaliye alla igu gudboonani gabanka dadnimadiyo garashada ku raacdo jacaylkaan guyaal badan soo gardaadinayno gabi dacal u diidna guulaystay maanto hadaan guulki dhaline gacal iyo xigaalkii gabdho iyo ciyaarihii gaafkeena laga tumi galad eebe weeye gaban iyo caruur guunyo iyo maal guula ha ina siiye hani gacaladayda gacantaada ii dhiib
Queue is empty
-- / --