Guudlayda nooliyo
Inta dumar gambada xidhan
Adaa iiga gaara
Wadnahayga guud sudhan
Ma gam,ee daraadaa
Adigaan goornaba
Galin qudha ku dayn karin
Adna gacaladaydaay
Gedaydaa ma noqotaa
Gurdo gam,a ma diidaa
Gocoshada xusuusta leh
Kalidaa ma goohdaa

Inta geesi nooliyo
Ama gaban fariid jira
Adaa iiga gaaro
Wadnahaba ku gaardiya
Gacale hee bal ii yahay
Guntoo ogsoonow
Galin anaan ku dayn karin
Aan kuu garaabee
Anba wuu i galayoo
I gilgilay jacaykuye
Gadaa baan ahee
Gardaadi jacaylka

Exit mobile version