hoygaan lamaanuhu
isla hayn hareeraha
hagar li'i waxbarashada
loo kala horeeyoo
lagaa weecin hadimada
qorshe lagu hagayno
caqli lagu hogaamin
ma huro wadeecada

hanaqaadka ubadkuna
hadaan talo haboon
aan lala hor taagnayn
way ka hadhi asaagood

waxa loo hiloobaa
hirashadiisu wacantay
hoy nabada samo loo horseedo
aan la isu hiifayn

hadaan waalidkiina
wanaag ayse wada hayn
hadalkoodu madhanyahay
sidee loo hormaryaa

Exit mobile version