hoygaan lamaanuhu
isla haynay hareeraha
hagar li, wax qabashada
loo kala horaynoo
laga weecin hadimada
qorshe lagu hagaynoo
caqli lagu hogaamin
ma huroo wadeecada
hanaqaadka ubadkuna
hadaan kala haboon
aan lala hortaagnayn
way ka hadhi asaagod

waxaa loo hiloobaa
hirashadiisu wacan tahay
hoy nabadoo
samo loo horseedoo
aan la isku hiifayn
hadii waalidkiinaa
wanaag aysan wada hayn
hadalkoodu madhan yahay
sidee loo hormarayaa
hanaqaadka ubadkuna
hadaan tala haboon
aan lala hortaagnaynn
way ka hadhi asaagood

Exit mobile version