jawharadii naftaydaay
dumar jalaqsantoodaay
ooridaan jeclaayeey

jidhkiyo halbowliyo
jeexaygii midigeey
waan jiifsan waayoo
dhinacaad jirtaaniyo
jarmaadada habeenkii
jabadkaad ku nooshihiin
riyo aan ku joogaa
jaahawareeriyo buuq
jiro iyo xanuun
ka fogee JALIILOW
ubadkiyo jamiilaba

waqtigaa ina kala jaray
midba jees ku xidhayoo
bawdada iyo jilibkaa
ugu giija jiridoo
ina kala janjeedhshaa

ubadkaad jiraysee
sida wacan u jeel baxay
jaahooga loo diiday
jano ku noolyihiin
jirsadooda waad heli

Exit mobile version