VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Kaa haray tukulush bood boodayo - Lyrics

anoo hoos kuu baran baan kuu qaaday heesee waxa i hoday dhaldhalaalkee ma hubsado fudayd badan haatan laygu wariyoo naftaa halista galiyee mar haduu hab kaa yahay haasaawahaaguba oo sida haraadiga hore aad u socon karin inta haybadaydiyo sharaftayda hodanka kugu halaabi laydoo halka aan ku noolahay halhays aan ka noqon lhaa kaa hadhye hawraarsan gabadhyahay anigaa hog dheeroo halaq uu ku jiro biyo halacleh moodoo haamaha u qaatee gabadhyahay hilbahaa wax kastoo i helaba kuumaasaan hoydeene hiil iyo hoba ma lihide hore kuuma aqoonine hagardaamdaad waday hada waan yaqiinsaday inta haybadaydiyo sharaftayda hodanka kugu halaabi laydoo halka aan ku noolahay halhays aan ka noqon lhaa kaa hadhye hawraarsan gabadhyahay
Queue is empty
-- / --