Heesta Ruwayda Ft Cadey - Lyrics
Jacaylbaa i saafoo
Sadrigiyo laabtiho
Dhex saqaafay beerkoo
Subax iyo alaylkii
Waan kuu siloonahay
Sina kuma gam,aayoo
2×
Saafid haweenkaay
Calafkaan sugaynay
Wuu inoo sugnaadee
Samo igula ciid ruweydaay
Raga kaan ka soocdoow
Calafkaan sugaynay
Wuu inoo sugnaadee
Maxanadoow samo igula ciid
Aniguba sanadan
Sahal cishqi i saaqyoo
Dadkii igaba sooryoo
Gabaahiir i seexshaa
Nafta salalinaayee
Anba kula sibaan ahay
2×
Raga kaan ka soocdoow
Calafkaan sugaynay
Wuu inoo sugnaadee
Maxanadoow samo igula ciid
Saafid haweenkaay
Calafkaan sugaynay
Wuu inoo sugnaadee
Samo igula ciid ruweydaay
Seer ma waydo roobaad
Surad wacan wanaag sidan
Siduu tahay dareemada
Saban doog leh iyo nabad
Caanuhu ay susumayaan
Ku nagaanay
Saafid haweenkaay
Calafkaan sugaynay
Wuu inoo sugnaadee
Samo igula ciid ruweydaay
Raga kaan ka soocdoow
Calafkaan sugaynay
Wuu inoo sugnaadee
Maxanadoow samo igula ciid
Dareeriyo dhul nabad sagan
Ubad saalaxoo anfaca
Farxad ku sal guuray
Ehelkoo ku soo irad
Saatir kaan ka barinee
Soo soco dheh aamiin
2×
Raga kaan ka soocdoow
Calafkaan sugaynay
Wuu inoo sugnaadee
Maxanadoow samo igula ciid
Saafid haweenkaay
Calafkaan sugaynay
Wuu inoo sugnaadee
Samo igula ciid ruweydaay
2×