Heesta Sabaax - Lyrics
Soojadeydi noqo sabaax
Sabaaxeey
calaf haysku keen simo
Soojadiisi noqo sabaax
Sabaaxeey
calaf haysku kiin simo
Sida sagalka roobkoo
Subixii intuu da'ay
Saxan saxa udkoon lahoo
Siman tahay xareedii
Soojeed wanaageey
Soojeed wanaaageey
Tii lagu sahwiyayaay
Samada aan ku geeyoo
Saxar kaa ilaashee
Tii lagu sahwiyayaay
Soojadeydi noqo sabaax
Sabaaxeey
calaf haysku keen simo
Soojadiisi noqo sabaax
Sabaaxeey
calaf haysku kiin simo
Sahal looma heesee
Suuban hooyadaabaa
Sinta kugu xambaartoo
Aabahaa sareeyaa
Saaciday naftaadoo
Safka hore ku geeyoo
Tii lagu sahwiyayaay
Samada aan ku geeyoo
Saxar kaa ilaashee
Tii lagu sahwiyayaay
Soojadeydi noqo sabaax
Sabaaxey
calaf haysku keen simo
Soojadiisi noqo sabaax
Sabaax
calaf haysku kiin simo