saqda dhexe siqiir kacay
markuu salal la ooyee
hurdo seegto hooyadii

yarta abid la simanee
seexan karin kalkacalkaay
waxaan ahay sidaaduun

nafta wehel sugaysaa
samir badan lahaynoo
anba waan sasabayaa

laba sidig ahaayoo
sad u yahay jacaylkuba
haday kala socdaalaan
waxan sahal ahayno
dadku lagu sameeyaa
midba galin ku saamayn

Exit mobile version