Qoomaal:
Xabiibtaan jeclaayeey
Xushmad iyo kalgacalee
Xaaskeygii rumaadeey
Qurux loo cantoobshaay

Marka aad xageygaa
Xasil usoo dhaqaaqdaa
Xubigaa isaaqaa
Nafta xiisa galisaa

Xasarad iyo dhibaatadaa
Inta xumaha jecel
Xaasidku siduu rabo
Faadumooy xayaati
Xaakimkaa ka magan galay

Xaawa kiin:
Xabiibkaan jeclaayoo
Xiska iyo maankiyo
Xididada wadnahabaad
Xubi aad ku beerdoo

Kaa xiisi maayee
Xaqiiqdii waxaa tahay
Xalwadii jaceylkiyoo
Xulashadi nafteyd

Xasarad iyo dhibaatadaa
Inta xumaha jecel
Xaasidku siduu rabo
Cadaan iyo xabiibi
Xaakimkaa ka magan galay

Qomaal:
Xiddigtii haweenkaay
Xurmad iyo sharaftii
Xiriirki dhexdeeniyoo
Xanaanee ishqiga

Xil adaan ku saartee
Xubi iyo nasiibeey
Xiisahaan an ku qaboo
Xumaan kuuma quuro

Xasarad iyo dhibaatadaa
Inta xumaha jecel
Xaasidku siduu rabo
Faadumooy xayaati
Xaakimkaa ka magan galay

Xaawa kiin:
Xubiyoow ogsoonow
Cad malaha dhexdeenee
Ciidankiisa caashaqiyo
Qalbigaad ku mirantee

Xarigii islaamkiyo
Labadeen ayaantii
Xurma wada wadaagaa
Xumaan kuuma quuree

Xasarad iyo dhibaatadaa
Inta xumaha jecel
Xaasidku siduu rabo
Cadaan iyo xabiibi
Xaakimkaa ka magan galay

Exit mobile version