VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xubi iyo jaceyl - Lyrics

Erayadii = Maxamed deeq Laxankii = Maxamed Axmed "Qoomaal" Muusigii = Mustafe "Karaama" Giitaarkii = Cumar "Teesiyow" Codadkii = Qoomaal & Maryan Mursal Xidigtii naftaydaay Xiisaan kuu qabaa Xiisaan kuu qabaayoo Xalay seexan waayee Xumadbaa i haysee Ubaxaan xariirtaa Ubaxaan xariirtaa Xabiibti iga gudoon 2x Gudatayoo xilkaagii Xamdi eebe weeyee Alfoow xusuusnoow Xaaskaagiibaan ahee Xuural cayntii dunidaay Xaaskaygii rumaadeey Amaleey xusuusnoow Xurmaan kuu hayaa Xubigaagu inanyohoow Xoogbuu ii hayaayoo Xoogbuu ii hayaayoo Naftu kaama xiistee Xulashada naftaydoow Xaasid nama dhex gala oo Xaasid nama dhex gala oo Xadhigeena kala jara 2x Xuural cayntii dunidaay Xaaskaygii rumaadeey Amaleey xusuusnoow Xushmaan kuu hayaa Gudatayoo xilkaagii Xamdi eebe weeyee Alfoow xusuusnoow Xaaskaagiibaan ahee Xubnaha jidhkaygiyo Xuubkiyo wadnaha Xuubkiyo wadnahaad Xabiib aad la noqotee Xaqiiqdii waxaa tahay Xidid iga mid ahoo Xidid iga mid ahoo Dhiiga soo xambaaraa 2x Gudatayoo xilkaagii Xamdi eebe weeyee Alfoow xusuusnoow Xaaskaagiibaan ahee Xuural cayntii dunidaay Xaaskaygii rumaadeey Amaleey xusuusnoow Xurmaan kuu hayaa Xubigiyo jacaylkiyo Xeerku qoys lahaan jiray Xeerku qoys lahaan jiray Xaajiyow ha sii deyn Xikmadiyo aqoon Rabi kuu xantoobshaa Rabi kuu xantoobshaa Xasuusta igu reebtee 2x Xuural cayntii dunidaay Xaaskaygii rumaadeey Amaleey xusuusnoow Xushmaan kuu hayaa Gudatayoo xilkaagii Xamdi eebe weeyee Alfoow xusuusnoow Xaaskaagiibaan ahee 3x
Queue is empty
-- / --