dal iyo duuraan kaa jarshoo dhookhaa ku raacee ha ii daraan
deeq iyo duunyo ma rabee dugaalka i gayso aan dagnee

hal dirhinoo dul shiifanaa dahab iyo doolar iiga riin
sidii digtoor dawa qoraan dushaada u daaf wareegaaye
ama i dil ama i dawee nabeed dibkaaga durki maa

dal nuuriyoow dareen iyo damacaa igu kaa dirqiye
intuu dunida daa inkay rag soo diraan kaa doortaye

dagdag ii doono daahirow duqow akhyaara soo dirso
waxa dan iiga taal inaan da yar kuu daadihiyo
amba i dil amba i danee nabeed dul kugu doorsanmaa

Exit mobile version