Heesta Sumaya - Lyrics
sumaya waa magacaaga
edeb waa sumadaada
qurux waa saldhigaaga
qalbi suuban wanaaga
xubi waa sifadaada
sooryo waa dhaqankaaga
soo dhawayn ficilkaaga
erey qawlka samaanta
xubi waa sifadaada
sumaya waa magacaaga
somaali waa sinjigaaga
gobonimo saraysa
xubi waa sifadaada
saafi waa midabkaaga
isu siman xubnahaaga
sida dheemanka luulka
dhalaalka u siraadan
xubi waa sifadaada
sadrigaygiyo laabta
sahay ruuxa u qaatay
wadnahaygana saaqay
sumaya waa kaligaaga