qudhayda adaa lohoo
wadnaha qufushoo xidhee
waxaan kaa qarin karo
dunida kuu qarsan majiro

qandadu caashaqu lahaa
qawlkaaga iga tir tira
anoo qiiroonayaa
qoslaa oon kugu farxaa

kolay ma qiyaasi karo
qiimaha ii leedahoo
qofbaa tahay aan jeclee
ka noqo qalbigrga boqor

inaan kugu qoro xiskiyo
quluubta adaa mutoo
waxaa qandaraastaa
qistiga noloshe ogoow

qanaca waa kal soonidee
kasheeda qaboojisaa
lubiga quwadiisa iyo
qayb baa tahay igu lamaan

Exit mobile version