VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hadmaad nuujin - Lyrics

Kalgaceelku waa nolol Nacfi iyo udgoon loo Waa caano iyo nabad Aadmigu ku nuuxsado X2 Niyad laba wadaagtoo Isku hura naftoodoo Isku nucin aduunyoo Is nuglaynin weeyaan X2 Nidarkiyo jaceelkii Manaafayn dhankaygoo Nacabkiyo ogow naar Afuuf kuba ima karo Namiim kuye X2 Nasrigii ilaah iyo nasiib Keeda oo dihin naftan Adiga mooyee cidkale Nasiibaynin X2 Hadmaad nabdigiyo Qalbigan kuu nugul Nuujin caashaqa x2 Waa naruuroo waa Nasteexoo waxaan Kaa naawilaayee X2
Queue is empty
-- / --