Jawiga yaalee Jigjiga
Jaliil ku abuuray iyo
Jacaylkaagii dartii
Miyaan hurdo jiifsaday
Macaan hurdo jiifsaday
I kaaba ila jiraay jawharadii Jabuutiyeey
Jismiga ruuxdiyo naftaay
Adaan kuu hayaa jacayl
Jacayl kuu hayaa jacayl

Jibada caashaqeed wadiyo
Jacayl dhaba kaan runtii
U qaaday aan jantoo
Siduu hanku kuula jiro
Isii adna jeer kalgacal
Siduu hanku kuula jiro
Isii adna jeer kalgacal
Qalbiga taan jala haween
Darteed uga jaray xidhiidh
Jidkii noloshiyo rajada
Midii I dhex joojisaay
Miyaan kaba jeesan kari
Macaan kaba jeesan kari

Waxaad tahay jeex ka mida
Jismiga ruuxdayda Oo
Jacaylkaan kuu hayaa
Ka weyn jamashiyo ciyaar
Ka weyn ka wey ka weyn
Ka weyn jamashiyo ciyaar
Janooy janadii ifkaay
Naftaa kuu jeelanoo
Halkaan jago kaaga dhigay
Ma jiro ruux dagi kara
Ma jiro ma jiro ma jiro
Ma jiro ruux dagi kara

Exit mobile version