Qof tahay rafaadiyo
Raaxada aduunkaba
Rabibaa sameeyoo
Taariikhda raadka leh

Wey is riixaysaayoo
Waayaha is rogrogayee
Wey is riixaysaayoo
Waayaha is rogrogayee
Qareenka na soo maray
Iyo ramad geedo leh
Ciduun raaci maysee
Qareenka na soo maray
Iyo ramad geedo leh
Ciduun raaci maysee

Labadeenu raaxooy
Kala raysan maynee
Labadeenu raaxooy
Kala raysan maynee
Inaga isku raynee
Haatan soo rogaal celi

Run ha moodin sheekada
Waxa aad ka maqashee
Kuwa reera dumiyee
Kala raraayaaba badan

Raaliyo ninkeedee
Raxmadii alana furan
Raaliyo ninkeedee
Raxmadii alana furan
Raasamaalku waa ubad
Waa sidaa rag iyo dumar
Reerkeena qanigaa
Raasamaalku waa ubad
Waa sidaa rag iyo dumar
Reerkeena qanigaa

Labadeenu raaxooy
Kala raysan maynee
Labadeenu raaxooy
Kala raysan maynee
Inaga isku raynee
Haatan soo rogaal celi

Exit mobile version