markaan is baranay
hadaan ku boqroon
bilado ku sudhay
oo aan beesiyo
lacag badan jeebka
kaaga buuxiyay
baasaboorkiyo
buukin kuu jaroo
boodhkii kaa tumay
baadhi tu baadhi
kama baxaysid
booqashiyo dalxiis
kama baxaysid
tumashiyo baar
kama baxaysid
waxaad baratay
kama baxaysid
beri iyo been
kama baxaysid
balantii iyo axdigii
oofin maysid
baradii wacnayd
baby booqan maysid
bustaankii jacaykana
waxba kama beertid

markaan is baranay
hadaan buuniyo
baaq kuu tumay
bartamaha yurub
ku kala baray
iga baydhee
kuuma baahniye
bartaad ka timid
baraan kugu celin
baadhi tu baadhi
kama baxaysid
booqashiyo dalxiis
kama baxaysid
tumashiyo baar
kama baxaysid
waxaad baratay
kama baxaysid
beri iyo been
kama baxaysid
balantii iyo axdigii
oofin maysid
baradii wacnayd
baby booqan maysid
bustaankii jacaykana
waxba kama beertid

Exit mobile version