inanyahw sideedaba
saacadaynu balanaa
suuroobi waydee
sidii baan u taagnoo
nafta wali ku sugaysaa
soo haleeli waydoo
caashaqa sidkamayiyo
kalgacaylkan kuu sido
ama kuula simanahay
siliciyo dhib ka ogoow
saranseerka ka ogoow
salfudaydka ka ogoow
sanifaada ka ogoow
soo dhawaynta la ogoow
salaan diiran la ogoow
waxaad siiso la ogoow
sooryaynta la ogoow

sidaad iigu wayntahay
kugu sooray maankoo
ma sii daynin wacadkii
saqda dhexe habeenki
naftan soogan awgaa
soo booqan wayde
caashaqa sidkamayiyo
kalgacaylkan kuu sido
ama kuula simanahay
siliciyo dhib ka ogoow
saranseerka ka ogoow
salfudaydka ka ogoow
sanifaada ka ogoow
soo dhawaynta la ogoow
salaan diiran la ogoow
waxaad siiso la ogoow
sooryaynta la ogoow

Exit mobile version